Shir-madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Addis Ababa ee waddanka Ethiopia


Shirmadaxeedka waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika (AU) ayaa maanta gelinka dambe ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia, ayadoo ayna ka wada qaybgalayaan dhammaanba waddamada Afrika ee 52-da ah ee xubnaha ka ah ururkaasi.

Ajendayaasha shirka lagaga wada hadli doono ayaa la sheegay inay ugu myhiimsan yihiin xaaladda ammaandarro ee ka taagan dalka Soomaaliya, arrimaha dalka Suudaan, qalalaasaha siyaasadeed ee Madagaskar, mideynta dalalka Afrika iyo calan u gaar ah Midowga Afrika.

Madax fara badan oo Afrikaan ah ayaa kusii qulquleysa magaalada Addis Ababa ee shirku ka dhacayo, kuwaasoo kuwii ugu dambeeyey ee halkaas gaarana uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxa kale oo shirka ka qayb gali doona mas'uuliyiin sar sare oo ka socda ururrada caalamiga ah sida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, Xogyaha Jaamacadda Carabta Assayid Camr Muusaa iyo ergo heer sare ah oo ka socota Midowga Yururb.

Kulankan ayaa waxa ka horreeyey kulan kale oo xalay soo gabagaboobay oo ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibedda ee waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika kuwaas oo u sii gogolxaarayey shir-madaxeedkan maanta ka furmaya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa waxaa loogaga fadhiyaa wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka jira qaar badan oo ka mid ah waddamada Afrika oo ay ugu weyn tahay soo dhammeystirka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Add New Comment