Ra'iisul-wasaaraha Soomaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta
xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo isla manta
socdaal ku yimid magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo ahaa mid ay albaabada u laabanyihiin ayaa waxaa xafiiska
R/wasaaraha dalka ku yeeshay R/wasaare Saacid oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan
Golaha wasiirrada iyo wefdi ka socda Q.M uu hogaaminayay kaaliyaha xoghayaha
guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jefery Feltman.
Wefdiga ka socday Qaramada Midoobay waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee
xigahay guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ambassadoor Mahiga iyo saraakiil
kale.
Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay
R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon iyo madaxa wafdiga Q.M hogaaminayay
Mr Feltman .
R/wasaarah ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isbedelka siyaasadeed oo ay
damacsantahay xukuumadda Soomaaliya iyo kaalinta ay Q.M ka qaadan karto caawinta
Soomaaliya.
Sidoo kale Kaaliyaha xoghayah guud ee Q.M u aqaabilsan siyaasadda Mr Feltman
ayaa xusay in kulankan uu daba joogo kulankii uu dhawaan Addis ababa kula
yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh xog’hayaha Q.M Banki muun.
Kulankan lagu qabtay xafiiska R/wasaaraha waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa
Wasiirrada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo garsoorka Maadaama qodobbada
looga hadlay kulanka ay qeyb ka ahaayeen horumarinta arrimaha amniga iyo
cadaallada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dedaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay
Isbedelka Siyaasadeed ee ay wado uga dhaadhiciso Hay’adaha caalamiga ah si ay u
kordhiyaan taageerada ay siiyaan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda
Soomaaliya.