Wasiirka arrimaha gudaha oo maamullada ka jira dalka qaarkood ku eedeeyey inaysan xiriir la lahayn shacabkooda


Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikarim Xuseen Guuled ayaa sheegay in qaar ka mid ah maamulada gobolada dalka Soomaaliya iyo shacabka ku nool goboladaas uusan jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya.

Wasiirka oo horkacaya wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladu ay dhisi doonto maamulo kumeelgaar ah oo loo samaynayo gobolada dalka kuwaas oo dadka deegaanka ay ku mideysan yihiin.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha ma sheegin maamulada uusan xiriirka wanaagsan kala dhexeyn shacabkooda isla markaana dowladu ay ku bedeli doonto maamulo kumeelgaar ah.

Maamulada gobolada dalka ka jira ayaa waxaa hore u magacawday dowladii hore ee kumeelgaarka ahayd ee uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka arrimaha gudaha oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku jooga gobolka Bay ayaa waxaa ay wadahadalo la yeesheen waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada goboladaas.

Add New Comment