Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi iyo wasiirro faahfaahin ka bixiyay heshiisyo lala galay shirkado shisheeye



Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa, ayaa hortagay 325-xildhibaan oo xaadiray kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta, si ay sharraxaad uga siiyaan heshiisyo ay dowlada Soomaaliya horay ula gashay shirkado shisheeye.

Xubnaha, ra’iisul wasaaraha ku wehliyay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa: ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/weli Maxamed Cali, wasiirka warfafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac, wasiirka dekedaha gaadiidka cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade iyo xubno kale.

“Waxaan ,halkan idin kugu imid afar todobaad ka hor, waxaana i weydiisateen inaan sharraxaad kasoo bixiyo shirkado dhowr ah oo heshiisyo lala galay, kuwaasoo aan baaritaano kala duwan ku soo sameynay, aana u nimid maanta inaan idiin sharraxno,” ayuu yiri Farmaajo oo ay garbihiisa taagnaayeen wasiiradii la socday.

Ra’iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in shirkadahaas ay heshiisyo la gashay xukuumadii tiisa ka horreysay, uuna u xilsaaray inay baaritaano kusoo sameeyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, si aan xog dhameystiran idin kaga siino.

“Shirkadihii aan baarista ku sameynay, waxaa ka mid ah: Saracen International, SKA Ari, .SO, RA International iyo kuwo kale, waxaana qaar ka mid ah heshiisyo la galay Mareykanka iyo Qarammada Midoobay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Farmaajo.

Mr. Farmaajo, ayaa sheegay in shirkadaha RA International oo qaabilsan dhismaha iyo dib u habeynta, aysan heshiis la gelin dowladda Soomaaliya, balse ay Qarammada Midoobay la gashay heshiiska ay ku shaqeynayso, sidoo kalena shirkadda Alfa Logistic Service oo iyadana qaabilsan dhismaha darbiyada si loo sugo amaanka ay heshiiska la gashay Qarammada Midoobay.

Sidoo kale shirkadda, Bancroft, oo uu sheegay inay caawiso ciidammada AMISOM, aysan iyagu la gelin heshiis, balse ay heshiiska la gashay wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka, isagoo xusay inaysan dowlada wax shaqo ah u hayn.

Ra’iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in shirkado shidaalka iyo tamarta ka shaqeeya oo lagu kala magacaabo Shaahid Trading Co, MSIT iyo PPI ay iyagana heshiiskooda saxiixday Qarammada Midoobay. Isagoo sidoo kale xusay inay jiraan shirkado kale oo ay ka mid tahay DEEQA Constriction Co. oo ceesha qodda iyo ATCO oo mid dhisme ah, aysan jirin wax heshiis ah oo ay iyagu la galeen.

Markii uu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa, dhameystay ayaa waxaa xildhibaannada sharraxaad ka siiyay shirkadda heshiiskii lala galay Saracen International oo heshiiskeedii la joojiyay, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/weli Maxamed Cali, isagoo sheegay in xukuumaddoodda uu ka tirasn yahay aysan heshiis la gelin.

“Xukuumaddu, waxay ii xislaartay inaan baaritaan ku sameyno shirkadda Saracen International, ma jirto wax heshiis ah oo ay xukuumadan labada bilood jirta ay la gashay shirkaddan, sida la og-yahayna xukuumadii hore way inkritay inay heshiis la gashay,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in bishan horraanteeda, iyagoo ku jira baaritaanka lagu sameynayo heshiiska lala galay shirkada Saracen, ay Nairobi kula kulmeen la taliyaha dowladda Soomaaliya Micheal Shabler, kaasoo sheegay inuu heshiiskaas saxiixay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekha Aadan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirkii maaliyadda iyo lacgata, balse isaguna waa uu diiday inuu heshiiskaas saxiixay.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade, oo isagana ka hadlay heshiiska lala galay shirkadda SKA Air, ayaa sheegay in heshiiska ay la gashay xukuumaddii hore, sababta loola galayna ay ahayd inay casriyeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, dhaqaalaha kasoo xaroodana ay 70% iyadu qaadato, halka 30% ay siinayso dowladda Somalia. Xarunteeduna tahay Dubai.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xsan Jaamac, oo isagana ka warbixiyay halka uu ku dameeyay furihii Internet-ka ee Soomaaliya (.SO), ayaa sheegay in xukuumadii hore ay heshiis kula gashay inay ku shaqeyso shirkada Japan laga leeyahay oo lagu magacaabo GMO, kaddib markii in ka badan 400-dal ay soo codsadeen in la siiyo magacaas.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey oo ahaa shir guddoomiyihii kulanka, ayaa xildhibaanada weydiistay inay su’aalo weydiiyaan wasiirada, iyadoo xildhibaanadu ay sheegeen inay su’aalo qabin, ayaa ugu dambeyn kulanka soo xiray.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Aadan iyo xildhibaano la socday ayaa kasoo duhurnimadii dib ugu laabtay Muqdisho, waxaana xubno wafdiga ka mid ahaa ay baarlamaanka u sheegeen inay dib ugu soo laabteen dalka.

Add New Comment