TACSI - INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN


inaalilaahi[1].jpg

Allaah ha u naxariistee waxaa caawa degaanka Doonka ee degmada Afgooye ku geeriyooday Al-marxuum Cumar Cabdi Dufle oo 93 sano jir ahaa, waxaana geeridan naxdinta leh lee ku timid marxuumka la ogeysiinayaa dhammaan carruurtiisa Shukri, Caaliya, Leyla iyo Yuusuf, xaaskiisa Xaawo Maamoow, eheladii iyo asxaabtii uu ka tagay.

OmarAbdi.jpg

Dhammaan Xubnaha U. I. SilGor waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan carruurtii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Cumar Cabdi kuwaas oo dhammaantood kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, waxaanna si
gaar ah ugu tacsiyadeyneynaa walaalaheen reer Maxamed Cabdi Dufle iyo guud ahaan reer Dufle Rooble.

Marxuum Cumar Cadi Duflena Allaah haka waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaan eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna sabar iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.


Add New Comment