Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta u safray dalka Ethiopia


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka dayaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee waddanka Kenya oo ay uga sii gudbi doonaan magaalada Addis Ababa ee waddanka Ethiopia oo ay uga qayb geli doonaan shirka Midowga Afrika ee halkaasi ka dhici doona.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa intii uusan ka bixin magaalada Muqdisho warbaahinta u sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay dagaal xooggan ku qaaddo xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda ee ayagu gacanta ku haaya qaybo badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa kale oo uu wacad ku maray in dowladdiisu ay ka guuleysan doonto Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo kooxda Al Qaacida, isla markaana ay soo celin doonaan ammaanka iyo kala dambeyntii ka jirtay waddanka Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxa uu hadalkiisa ku soo gebagabeeyey in dagaalka lagu haayo dowladdiisa uusan ahayn mid Islaamka ka turjumayo, balse uu yahay mid lagu fulinaayo dano shisheeye.


 

Add New Comment