Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa maaanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay dalka Suudaan kaga soo qaybgaleen munaasabaddii 57-guurada maalinta qaranimada dalkaasi.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo maaliyadda ayaa waxa gegida dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey guddoomiyaha barlamaanka, ra'iisul-wasaaraha xukuumadda, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiisha ugu sar-sareysa ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii lagusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha kaddib la hadlay wariyeyaasha isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii ay ku tageen dalka Sudan, waxa uu tilmaamay in ay ka qeyb galeen munaasibad loogu dabaal dagayey 57-guuradii ka soo wareegatay markii ay dowladda Sudan xorriyadda qaadatay dhinaca kalena ay jiraan heshiisyo la xiriirra mashaariic horumarineed.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa farta ku fiiqay in dowladda Sudan ay door weyn ku leedahay taageerrada Soomaaliya, isla markaana ay isku soo afgarteen sidii ay u sii xoojin lahayd taakuleynta hey’adaha dowladda iyo meelo kale oo iyana muhiimad leh.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sudan ay ballan qaaday tababar siinta ciidammada Booliska, isagoo dhinaca kalena xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudanna uu kula kulmay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dalalka Soomaaliya iyo Sudan waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireyn ah oo muddo socday, iyadoo dalka Sudan uu ka mid yahay dalalka Africa ee ay muuqato doorka iskaashiga iyo taageerada ay ku leeyihiin Soomaaliya ayadoo dalka Sudanna ay wax ku bartaan Arday Soomaaliyeed oo kumanaan gaareysa kuwaas oo mustqabal wanaagsan ku leh haddii ay dalkooda ku soo laabtaan iyaga oo wax bartay.


Add New Comment