Ciidammada Badda Soomaaliya oo Qabtay Markab Dhuxul siday



Taliyaha ciidammada badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), wuxuu sheegay  ciidammada badda Soomaaliya inay howlgallo ka billaabeen badweynta Hindiya,muddo aad u yar kadib waxay qabteen markab dhuxul sharcidarro ah kasoo qaaday gobollada koonfurta Soomaaliya


Admiral Faarax Qare, wuxuu sheegay in ciidammada badda Soomaaliya ay qabaan tababar ku filan oo ay ku howlgeli karaan,waxaana weli u socda tababarro kala nooc ah oo aqoontooda difaaca xeebaha lagu kordhinayo taasoo gaarsiin doonta inayu ciribtiraan Burcadbadeedda.

Taliyaha waxa uu tilmaamay in burcadbadeeda lagu ciribtiri karo  howlagallo laga billaabo barriga ,
waayo badda waxaa looga soo duulaa waa berriga, si taasi loo helo dowladdu waa inay aqbasho in la bilaabo la dagaalanka burcadbadeedda, dunidana waxaan ka dalbaneynaa inay naga taageerto qalabka lagu howlgelinaayo ciidanka badda Soomaaliya .



Waa markii ugu horreysay ciidammada badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya ay sheegaan inay qabteen markab sharcidarro dhuxul kaga raray koofunrta Soomaaliya waxayna sheegeen inay u gudbin doonaan Maxkamada si sharciga loola tiigsado.

Add New Comment