Mareykanka iyo Ingiriiska oo isku raacay baahida loo qabo ciidamo QM oo loosoo diro Soomaaliya


War kasoo yeeray dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in kaddib markii ay madaxweynaha Mareykankan Barack Obama iyo ra'iisul-wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown wada hadal uu ku dhex maray qadka isgaarsiinta ay isla garteen in loo baahan yahay in waddanka soomaaliya loo diro ciidamo nabad-ilaalineed oo hoos taga Qaramada Midoobay.

Labada mas'uul ayaa waxa kale oo ay isla soo qaadeen in loo baahan yahay in la sameeyo ciidamo caalami ah oo ka hortaga qatarta kasoo fool leh waddamada Soomaaliya iyo Yeemen oo ay dagaallo adag ka wadaan kooxo Islaamiyiin ah oo qatar ku ah ammaanka gobolka.

Sidoo kale waxa ay labada mas'uul ka wada hadleen in boliiska la dagaalanka argagixisada waddanka Yemen laga taageero dhinaca dhaqaalaha si ay wax uga qabtaan dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-Qaacida ee ku soo badanaya waddankaasi.

Dareenka adduunka ee ku aaddan ammaanka gobollada Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carbeed ee hodonka ku ah saliidda, soona saarta in ka badan boqolkiiba lixdan (60%) tamarta laga isticmaalo adduunka iyo marinnada badeed ee Gacanka Cadmeed ayaa ah mid isa soo taraya oo aan indhaha laga qabsan karin, kadiib markii kooxaha Islaamiyiinta ka dagaallama Sommaaliya iyo Yemen ay dibedda is keeneen.


Add New Comment