Dowladda Yemen oo xayiraad xagga safarka ah ku soo rogtay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda jooga


horn.jpgWareegto kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Yemen ayaa lagu sheegay in qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi laga mamnuucay inay isaga socdaalaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi oo ay markii hore si xornimo ah isaga gooshi jireen.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Ammaanka Gudaha waddanka Yemen ayaa sheegay in tallaabadani loo qaaday adkeynta ammaanka waddanka Yemen awgiis, kaddib markii Al shabaab ay sheegeen inay gurmad u soo diri doonaan xoogagga ka dagaalama gudaha waddanka Yemen.

Dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah waddanka Yemen ee horeyba isaga liitay ayaa waxa lagu wargeliyey inaysan wax dhaqdhaqaaq ah sameynin, qofkii asagoo safar ah la qabtana sharciga lala tiigsan doono.

Shirkadaha dayaaradaha, kuwa kireeya gaadiidka iyo guud ahaan gaadiidka laga adeegsado dalkaasi ayaa waxa lagu wargeliyey inaysan qof u dhashay dalka Soomaaliya u fududeyn inuu u safro meel ka baxsan degaanka uu hadda ku nool yahay.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa waxa ay horeyba ugu jireen xaalad aad u adag oo dhinaca noolasha ah ayadoo ay qaarkood ka shaqeystaan nadaafadda guryaha, dhaqidda baabuurta iyo weliba qaar kale oo fara badan oo ka tuugsada dariiqyada magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Dhibaatadan kusoo korortay qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ayaa waxa la dhihi karaa waa mid ay sababeen kooxaha isku haaya siyaasadda Soomaaliya oo markii horeba dadkaasi ku qasbay inay ka bara kacaan dalkooda, kaddib markii kooxda Al Shabaab ay ku dhawaaqday inay faraha la galeyso arrimaha gudaha ee Yemen, ayagoo wax ka qaban la' dhibaatada baahsan ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.



Add New Comment