Dagaal xoog badan oo xalay ilaa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho


Dagaallo aad u xoog badan ayaa xalay iyo saakayba ka dhacayey dhammaanba goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo horjeeda ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee magaalada Muqdisho.

Dagaaladan ayaa waxa lagu soo warramayaa inay geeysteen qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, ayaadoona inta la hubo ay ku naf waayeen dad tiradoodu lagu sheegay 15 qof, halka dadka ku dhaawacmayna ay yihiin 31 qof oo haatan lagu daweynayo cusbitaallada magaalada.

War ay saxaafadda siiyeen Xarrakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayay lagu sheegay in dagaalladii xalay 2:00 habeennimo billowday, socdayna ilaa saakay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay iyagu ka dambeeyeen, taasoo ay ku weerareen saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga ee Dowladda KMG Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) ayaa asagana dhinaciisa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid ayaga lagu soo qaaday oo ay ka dambeeyeen qolyaha kasoo horjeeda Dowladda.

Waxa asagana sidoo kale ka hadlay dagaalka afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Maxamed Cismaan Caruus oo sheegay in ciidamada Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen xarunta madaxtooyada (Villa Somalia), hase ahaatee ma uusan sheegin qasaarihii ka dhashay weerarkaasi.

Dagaalladan ayaa ahaa sida la sheegay kuwii ugu xoogga badnaa ee beryahan dambe ka dhaca magaalada Muqdisho, ayadoo laysku fara saaray dhammaanba goobaha ay magaalada uga kala sugan yihiin xoogagga soo kala horjeeda ee Dowladda iyo AMISOM oo isku dhan ah iyo Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo dhanka kale ah.



Add New Comment