Qaramada Midoobay oo muddo hal sano ah ku kordhiyey joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya


Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa maanta go'aan ku gaaray  in ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdisho muddo hal sano ah loo kordhiyo howlaha nabadgelyo ee ay halkaasi u joogaan.


Ciidamada AMISOM ayey howshoodu ku eg tahay 31-ka bishan aan ku jirno ee Janaayo, sidaas awgeed ayuu Golaha Ammaanku uga shiray arrinta ku saabsan joogitaankooda iyo ilaalinta hay'adaha muhiimka ah ee dalka iyo ammaanka madaxda Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dalalka Ururka Midowga Afrika ugu baaqay inay soo dhammeystiraan ciidamadii ay horey ugu yabooheen ee ay tiradoodu ahayd siddeedda kun ee askari, kuwaasoo ay ilaa iyo hadda ka joogaan shan kun oo askari oo ka kala yimid dalalka Ugaanda iyo Burundi.

Maalinnimadii shalay ayaa war ay soo saartay Dowladda Jabuuti waxa lagu sheegay in bisha soo socota ee Febraayo ay Soomaaliya usoo diri doonaan ciidamo ay tiradoodu gaareyso 450 askari, waxaana jira dalal kale oo Afrikaan ah oo laga filaayo inay ciidamo soo diraan.

 


 


Add New Comment