Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay saaka

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya heekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa saaka  dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay muddo labo maalmood ah safar ugu maqnaayeen magaalada Kampala ee xarumta dalka Ugand.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen magaalada Kampala waxa ay kulamo la yeesheen madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo ay isla soo qaadeen xiriirka labada dal iyo xaaladda dalka Soomaaliya oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo ka socda dalka Uganda oo ah qaybta ugu weyn ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay kasoo degeen garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxahalkaasi uga hortagay madax ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo aan wax hadal ah saxaafadda ku siinin garoonka dayaaradaha ayaa waxa lagu wadaa inuu ka warramo safarkiisii Uganda iyo wixii u soo qabsoomay goor dambe oo maanta ah.



Add New Comment