Dowladda Jabuuti oo ciidamo nabad ilaalin usoo dirayso dhawaan wadanka Sooomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti Max’uud Cali Yuusuf ayaa  Reuters u sheegay in dowladda Jabuuti  ay  go'aansatay   Soomaaliya inay u soo diraan 450  Askari oo ka mid ah  ciidanka reer Jabuuti   bisha soo socota ee febraayo si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Midowga Africa ee loo yaqaan AMISOM ee jooga gudaha wadanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in talaabadani ay ka dhabaynayso taageerida ay la garab tagan yihiin dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana uu sheegay in ay Jabuuti door muhiim ah ka qaadan doonto howlgalka Ururka Midowga Afrika uu ugu talagalay nabad ku soo dabaalidda wadanka dagaalada sukeeye ay aafeeyeen ee Soomaaliya.
 
Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Jabuuti waxa uu carrbka ku dhiftay joogista Ciidamada AMISOM haatan jooga Magaalada Muqdisho in golaha amniga ee Qaraamada midowday ay ugu kordhyeen hal sano, wuxuuna sheegay in ciidamada AMISOM ay haatan gaarayaan 5000 oo askari kuwaasi oo ka kala socda Wadamada Uganda iyo Burundi , sidoo kale dowladda Jabuutina ay dhawaan ku soo biirinayso 450 askari taasoo wadarta guud ee Ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya ka dhigeysa 5,450 askari.
annagoo ka filayna ayuu yiri wasiirka in wadamada kale ee horay u balan qaaday ciidamada inay sideena oo kale ay ciidamo u soo diri doonaan Soomaaliya .
 
Wasiirka arimaha dibada dowladda Jabuuti ayaa sheegay in dhinacyada ka soo  horjeeda dowladda KMG ay doonayaan inay xididada u siibaan dowladda KMG ee Soomaaliya taasoo ay ku guul daraysteen .
 
Sidoo kale gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Jean Ping ayaa warqad qoraal ah ugu baaqay beesha Caalamka in ay hergaliyaan balan qaadyadii lacageed ee ay ka qaadeen dowladda KMG ee Soomaaliya si ay ugu suurtagasho mushaarka howlwadeenada dowladda iyo  ciidamada in ay bixiyaan.

 

Add New Comment