magaalada Istambuul ee wadanka Turkiga ayaa ninka adduunka ugu dheer ku qaabilay ninka adduunka ugu gaaban

6Sultan Kosen and He Pingping2.JPG Horyaalka adduunka ee Guinness World Records ee lagu qabtay magaalada Istambul ee wadanka turkiga ayaa Sultan Kosen oo 27 jir, una dhashay wadanka Turkiga dhererkiisa lagu qiyaasay 2,46 mitir ku guulaystay inuu noqdo ninka  adduunka ugu dheer waqtigan,sidoo kale
Hee BIBIN oo 21 jir ah una dhashay wadanka Shinaha , dhererkiisu yahay 74.6 cm ku guulaystay ninka ugu gaaban addunka waqtigan.

labadaasi nin waxay ku wada kulmeen magaalada Istambuul ee wadanka Turkiga goor la furaayey tartanka horyaalka loogu magac daray Guinness World Records ee lagu qabtay magaaladaasi.
 Sultan Kosen waxa laga joojiyay inuu sii dheeraado 2008 kadib markii lagu sammeeyay camaliyad looga saaray qanjirka dhalinayay inuu sii dheeraado ee "Brain Tumor Growth Simulation",
Sultan Kosen waa ninka ugu dheer addunka,sidoo kale waxa kale oo loo aqoonsaday ninka ugu sacabka weyn adduunka kaasoo lagu qiyaasay sacabkiisa 27.5cm, sidoo kale waxa uu noqday ninka ugu cagta  weyn adduunka taasoo lagu qiyaasay cagtiisa  dherekeeda 36.5cm .
Sultan Kosen dharkiisa,kabahiisa, kursigiisa, miiskiisa iyo sariistiisa ... lagama soo heli karo Suuqyada adduunka oo dhan ee waxa uu waxaasi oo dhan uu ku helaa oo keliya dalab isaga qaas u ah .4.he-pingping-sultan-kosen-01.jpg1.Sultan Kosen and He Pingping5.jpg2.Sultan Kosen and He Pingping3.jpg3.suldan kosen.jpg

Add New Comment