Ciidamada Culumaa’diinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo saakay ku Dagaalamaya gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo deegaanada Coosweyn iyo warxoolo oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud ayaa la sheegaya in goordhow halkaasi uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kaasoo la sheegay in ay isku garaacayo labada dhinac hub aad u culus

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay weerar ku soo qaadeen Fariisin Deegaanka Warxoolo ay ku lahaayeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab  kadib deegaankaasi waxaa ka bilowday dagaal qaraar oo u dhaxeeya labadaasi ciidan.

 Sarkaal ka mid ah ururka Ahlusunna waljameeca oo ka hadlay dagaaladaasi ayaa waxa uu sheegay weerar gaadmo ah inay ku soo qaadeen Ciidamada ururka al-shabaab farisin ciidamadood ku leeyihiin  meel 10 km u jirta Deegaanka Coosweyn, hase yeeshee lay iska  caabiyeen ciidanka kusoo duulay .
 

 Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay labadaasi dagaalka oo ka wada qarxay saakay gobolkaaasi Galgaduud.

Add New Comment