Wararkii ugu dambeey ee Xaaladda Magaalada Baladweyne oo saaka dagaal uu ka dhacay


Waxaa goor-dhaw soo gaba-gaboobay dagaal culus saakay ku dhaxmaray Magaalada Baladweyne ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca iyo xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahiin iyo kuwa Xisbul Islaam oo isku dhinac ah.

 

Ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ayaa dib uga gurtay magaalada kaddib markii dhinacyadii dagaalka la galay ay dul-dhigeen awood ciidan oo aad u ballaaran, waxaana ay ciidamada Ahlu-sunna dib ugu laabteen fariisinkooda Ceel-gaal.

 

Ilaa hadda si dhabah  looma oga khaasaraha dagaalka saakay dhacay, laakiin warar aan dhameystirneyn oo na soo gaaraya ayaa tilmaamaya in ay dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii iska hor yimid, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalka.

 

Dagaalka saakay dhacay ayaa mar kale wal-wal iyo cabsi intaba ku beeray dadka rayidka ah oo hadda heer quus ah ka jooga dagaallada aan dhamaadka laheyn iyo is-ceyrsiga dhinacyada iska soo horjeeda oo kooxba ay mar la wareegeyso gacan ku heynta magaalada.

 

Dagaalkan ayaa daba socday dagaalay shalay gabal-dhicii ka dhacay duleedka waqooyi ee Baladweyne, kaasoo sababay inay xoogaga Ahlusunna kusoo siqaan Magaalada ilaa iyo ay saaka soo gaareen xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne.


Add New Comment