Midowga Yurub (EU) oo Dowladda KMG ee Soomaaliya ku taageeray saraakiil u tababarta ciidamo


Midowga dalalka reer Yurub ayaa isku raacay in tababar mileteri lagu taageero ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya, si ay isaga caabbiyaan xoogagga  dagaalka kala soo horjeeda ee XIsbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.


Saraakiisha ka socota Midowga Yurub (AU) oo ay tiradoodu gaareyso 200 oo sarkaal ayaa waxa ay tegi doonaan saldhigyo ciidan oo ku yaalla waddanka Uganda, halkaasoo ay tababar mileteri ku siin doonaan 2000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.


EU-da ayaa waddanka Spain u xilsaartay inay hormuud ka noqdaan howlaha tababarka mileteri lagu siinayo ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Wasiirada arimaha dibada ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay mar walba isgarab taagayaan sidii Soomaalia loogu soo celin lahaa nabad iyo xasilooni, ayna gacan siinayaan Dowladda xilligan jirta oo ah mid la aqoonsan yahay.

 

Sababta dalka Uganda loogu doortay in lagu tababaro ciidamada Dowladda KMG ayaa lagu sheegay inay tahay in dalka Uganda uu hoggaamiyo ciidamada dalalka Midowga Afrika (AU) ka jooga dalka Soomaaliya ee AMISOM, kuwaasoo Dowladda Soomaaliya gacan ka siiya xagga ammaanka goobaha muhiimka ah iyo madaxda dowladduba.


Add New Comment