Maraykanka oo sheegay in uu dalkiisa dajinayo Qaxooti Soomaaliyeed oo ku dhaw 6000-kun

Haweeneyda lagu magacaabo Prosy Katura oo ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobey Dhinaca Qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay dowladda Maraykanka in ay qaadayso Qaxooti soomaali ah  oo tiradooda lagu sheegay 5800 qafood kuwaasoo iminka ku nool xirada qaxootiga ee  Nakivale ee gobolka Isingiro ee dalka Ugandha

Haweeneydan ayaa sheegtay inay horay guddi ugu direen Xerada Nakivale oo ku taala Magaalada Isingio ee dalka Ugandha si ay u xaqiijiyeen Qaxootiga Soomaalida ku jira xeradaasi haddii ay xariir la leeyihiin kooxaha islaamiyiinta, laakiin lagu waayay dhammaan xariiro ah la leeyiin kooxahaasi, sababtaasina keentay inay tito Qaxooti Soomaali intaasi la eg u qaadaan Dalka Maraykanka oo hadda soomaali badan ku nool yihiin.

Sidoo kale Haweeneydan Hay’ada UNHCR u qaabilsan dhanka Qaxootiga Adduunka ayaa sheegtay mar kale xerooyinka Soomaalida ku jiraan u diri donaan quburo ka socda Dalka Maraykanka si ay su’aalo u weydiiyaan kadibna loo qaado dalka maraykanka bisha September ee Sanadka 2010-ka.
Ma aha markii ugu horreysay ay dowladda Mareykanka ay dejiyo qaxooti Soomaaliyeed dhulkeeda,mana noqon doonto Qaxootigani laga qaadayo Xerada Nakivale oo ku taala Magaalada Isingio ee dalka Ugandha kii ugu dambeeyay .

Add New Comment