Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay xiriirka u jarayso shirkadda Saracen
International, oo ay la gashay heshiis aan weli shaaca laga qaadin oo lagu
tababarayo ciidammada ammaanka, gaar ahaan ilaalada gaarka ah ee madaxda
dowladda.
"Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Saracen, dhawaan ayaa
lasoo gabagabeynayaa... waayo ma aqbali karno in dalkeenna ay ka howlgalaan
shirkado calooshood u shaqeystayaal ah," ayuu yiri wasiirka warfaafinta
Soomaaliya C/kariim Xasan Jaamac oo u warramayay wargeyska The New York Times oo
kasoo baxa dalka Mareykanka.
Mr. Jaamac, wuxuu sheegeay in heshiiska dhexmaray DKMG iyo shirkadda Saracen,
uu ahaa in tababarro la siiyo ciidammada dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka si
loosoo afjaro dagaallada ka taagan dalka Soomaaliya, balse uusan ahayn in dalka
ay ka howlgalaan calooshood u shaqeystayaal.
"Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Saracen, heshiiskii dhexmaray ma ahan mid
wanaagsan, waayo ma doonayn inaan xiriir la sameyno shirkado kale oo calooshood
u shaqeystayaal ah, balse waxaan doonaynaa in dhinaca tababarka ciidanka nalaga
taageero," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.
Aasaasihii shirkadda Black Water, ayaa dhawaan sheegay inay ka howlgeli
doonaan Soomaaliya, ayna shirkadda Saracen ka caawin doonaan tababarka ay
ciidammada dowladda Soomaaliya siinayso, ayna tababari doonaan 2,000-askari oo
kuwa badda ah.
Dowladda Maerykanka, ayaa dhankeeda iska fogeysay inaysan la socoto heshiiska
dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha Saracen International, kaasoo lagu
tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya.