Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ka jawaabtay warbixintii Hay'adda Xuquuqul Insaanka ee (Amnesty International)


Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay hadal ay kaga jawaabeyso warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay'adda u doodda xuquuqul Insaanka (Amnesty International) taasoo sheegtay in la joojiyo taageerada mileteri ee la siiyo dowladda, si loo hubiyo sida loo adeegsado iyo halka uu ku dambeeyo hubkaasi.

Amnesty International ayaa ku baaqday in la joojiyo hubka la siiyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo ay ku tilmaantay in lagu waxyeeleeyo dadweynaha rayidka ah, amaba uu gacanta u galo xoogagga xoogagga Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira dowladda.

Haddaba war ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa lagu sheegay in warbixintii hay'adda Amnesty International uu ahaa mid xaqiiqada ka fog oo aan ka run sheegeyn xaaladda dhabta ah ee jirta.

Mar uu Ra'iisul wasaare Sharmaarke wareysi siinayey idaacadda BBC-da ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay dadaal weyn ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa tayada qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Warbixintii Amnesty International ayaa waxa ku xusnaa in hubka loogu deeqo Dowladda KMG ee Soomaaliya uu yahay mid lagu laayo shacabka, isla markaana loo baahan yahay in dalalka dowladda ka taageera xagga ciidamada ay tahay inay si wanaagsan ula socdaan waxa hubkaasi loo isticmaalo iyo cidda uu gacanteeda ku dambeeyo.


Add New Comment