Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay xaq tahay in taageero mileteri la siiyo dowladda Soomaaliya


Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Johnie Carson ayaa sheegay in Dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xaq u leedahaya inay hesho hub ay isaga difaacdo xoogagga kasoo horjeeda.

Mr. Johnie Carson ayaa si aad ah u difaacay sida ay muhiim u tahay in Dowladda KMG ee Soomaaliya ay hesho kaalmo mileteri si ay isaga caabbiso kooxaha islaamiyiinta ee dagaalka adag kula jira, wuxuuse ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay mas'uuliyad muujiso si hubku uusan ugu dhicin gacanta kooxaha mucaaradka ah.

Warkan ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa ku soo aaday xilli ay maalinnimadii shalay hay'adda Amnesty International soo saartay oo ku baaqayey in laga fiirsado hubka ay dalalka adduunka oo uu Mareykanku u horreeya ay siiyaan dowladda KMG ee Soomaaliya.


Add New Comment