Xisbul Islaam oo la wareegay gacan ku heynta magaalada Beledweyne


Xoogagga Ururka Xisbul Islaam oo gacan ka helaya ciidamo ay leeyihii Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne, kaddib markii ay dagaal ku qaadeen goobo ay xoogagga Ahlu Sunna ku lahaayeen duleedka magaalada.

 

Saraakiishii iyo Ciidamadii Ahlu Sunna ayaan la ogeyn halka ay ka aadeen magaalada, waxa kale oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhacay, waxayse wararku qaar sheegayaan in ciidamadii Ahlu Sunna ay magaalada uga baxeen dhanka waqooyi.


Magaalada Beledweyne oo horeyba ay uga barakaceen dad fara badan ayaa waxa inteeda badan muddadii ugu dambeysay waxa gacanta ku haayey Ahlu Sunnah oo dagaal magaalada kula galay Xisbul Islaam iyo Shabaab oo is kaashanayey.



Add New Comment