TACSI - Innaa lillah wa innaa ileyhi raajicuun



inaalilaahi[1].jpg

Bahda SilGor waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Xasan Aadan oo ku geeriyooday degaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay haleeshay rasaas ay is weydaarsanayeen kooxo halkaasi ku dagaallamayey.

Marxuumka ayaa geeriyooday asaga oo ka soo baxayey masjid halkaasi ku yaalla oo uu kusoo tukaday salaadda maqrib, waxaanna Allaah uga baryeynaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, xaaskii, carruurtii iyo eheladii uu ifka kaga tageyna uu sabar iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN -AAMIIN.

Add New Comment