TACSI - geerida naxdinta leh ee Marxuumada Xaawo Sheekh Nuur oo sagaashan iyo laba jir aheyd (92 jir)



                                     inaalilaahi[1].jpg                                

Caawa Tuulada  Raqayle Aw Samoow ee ka tirsan degmada Afgooye gobolka Sh/Hoose ku geeriyootay  Allaah ha u naxariistee marxuumada Xaawo Sheekh Nuur oo dhowr iyo Sagaashan jir ahayd(92 sano), waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda meel kasta oo ay dunida ka joogaan .


Marxuumada Xaawo Sheekh Nuur waxay ifka uga tagtay caruur fara badan oo isugu jira wax ay dhashay iyo wax ay sii dhaleen oo dhammaantood ku sugan gudaha dalka Soomaaliya .

Dhammaan xubnaha Ururka I. SilGor  waxay tacsi tiiraanye leh u dirayaan gabadheeda Xaliimo Abuukar Sh.Maxamed iyo Saygeeda Guddoomiyaha Tuulada Raqayle Mudane Cabdi Cumarow Abuukar iyo carruurtooda


Waxaan sidoo kale tacsi taa la mid ah u direynaa Dhammaan qaraabada degan Tuulada Raqayle aw Samoow

Marxuumada Xaawo Sheekh Nuur Ilaaheey haka waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaan intii ay ka tagtayna sabar iyo iimaan haka siiyo - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN -

Add New Comment