Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Fransiiska oo ka wada hadlay arrimo ay ku jirto xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka mandiqadda Geeska Afrika


Madaxweynaha dalka Fransiiska Nicolas Sarkozy ayaa xalay booqasho gaaban ku yimid waddanka Jabuuti, wada hadallo dhinacyo badan taabanayana halkaas kula yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Nicolas Sarkozy ayaa waqtigii gaabnaa ee uu ku sugnaa magaalada Jabuuti waxa uu wada hadallo ku saabsan xiriirka labada dal ee Jabuuti iyo Fransiiska, xaaladda guud ee mandiqadda Geeska Afrika iyo gaar ahaan xaaladda adag ee ka jirta waddanka Soomaaliya.

Waxa kale oo ay labada madaxweyne isla soo qaadeen dadaalka ku aaddan la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida, xaaladda ka jirta waddanka Yemen iyo sidii labada waddan isaga kaashan lahaayeen xal u helidda dhammaanba arrimihii ay ka wada hadleen.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale sheegay sida ay oga go'an tahay taageerada Dowladda KMG ee Soomaaliya, sidoo kalena uu dalka Fransiisku taageerayo go'aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta ku saaray dowladda Eritrea.

Add New Comment