Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb soo
gaaray wafdi nabadeed oo ka socday maamulka Galmudug.
Wafdiga ayaa waxaa afaafka hore ee magaalada Cadaado kaga hortagay
mas’uuliyiin heer wasiir ah oo ka tirsan Ximan iyo Xeeb iyo dhalinyaro, si ay
ugu soo o dhaweeyaan magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Ximan iyo
Xeeb
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Dr Cumar Salaad Cilmi oo ah lataliye ka ah
barnaamij nabadeed oo loogu magac daray Gun ka soo dhiska nabadda G/dhexe ,
iyadoo ay qayb ka ahaayeen wafdiga ilaa 40-Xubnood qaybaha kala duwan ee
bulshada reer Galmudug ka kooban.
Kulan balaaran oo lagu qabtay Baar Tawfiiq ayna ka qayb galeen mas’uuliyiin
ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo qaybahaka kala duwan ee bulshada labada
dhinac ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa nabad kuwada noolaashaha
shacabka labada maamul iyo xalinta khilaafaadka la xiriira aanooyinka qabiilka
ee mararka qaar ka dhex dhaca dadka reer Miyiga ah ee dariska ah.
Dr Cumar Salaad Cilmi oo wafdigan hogaaminayay ayaa ka mahad celiyay sida loo
soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in nabadda laga wada
shaqeeyo.
Xassan Xaashi Gudoomiyaha gudiga nabadaynta u qaabilsan Galmudug iyo Ximan
iyo Xeeb o madasha adal ka jeediyay ayaa ka hadalay mudadii sanadaha ahayd ee
ay wadahalada nabadeed soo wadeen.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug Xabiibo Koofurow ayaa waxa ay iyana waxa
ay shirka ka sheegtay in shacabka labada dhinac looga baahan yahay inay si wada
jir ah uga shaqeeyaan maslaxadooda.
Ugu dambayn Wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye
ayaa isna madasha ka sheegay in ka maamul ahaan ay ka shaqayn doonaan
isdhexgalka bulshada labada dhinac.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad leh, iyadoo laga soo saaray qodobo
iyo baaq ku aadan nabad ku wada noolaanshaha iyo daris wanaaga.
