Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaan garoonka Muqdisho looga dhoofi karin baasaboorkii hore ee Soomaaliya


 Dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay sheegtay inaan looga dhoofi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho baasaboorkii hore ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in lagu dhoofi karo oo keliya baasaboorka cusub ee E-Passaport.

"Waxaan keennay Muqdisho, makiinadihii sameynayay baasboorka, ugu badnaanna qofka wuxuu ku helayaa marka uu dalbado baasaboor cusub saddex maalmood, marka ma jirto sabab loogu dhoofo baasaboorkii hore ee Soomaaliya," ayuu yiri taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo maanta la hadlya saxaafadda Muqdisho.

Gen. Gaafow, wuxuu sheegay in sababta makiinadaha sameeya baasaboorka loo keenay Muqdisho ay tahay, in shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku helaan baasaboor ay ku dhoofi karaan.

"Ma jiro, qof aan ka aqbali doonno inuu baasaboorkii hore kaga dhoofo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waa in la ogaado in la joojiyay, qofkii dhoof rabana uu dalbado baasaboorka cusub," ayuu yiri taliyaha oo sheegay in Soomaalida dibadaha dalka ku nool ay u fududeeyeen helintaanka baasaboorka cusub ee Soomaaliga.

Baasaboorka ay sheegtay DKMG ah in lagu dhoofayo ayaan laga ogoleyn maamulka Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day, iyadoo boqolaal qof ay bil walba isaga dhoofaan Muqdisho iyo Somaliland, waxaana maamulkaas uu sheegay inay xiri doonaan qofkii baasaboorka cusub kusoo gala deegaannadooda.

Waa markii ugu horreysay, oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in baasaboorkii hore ee Soomaaliga aan looga dhifi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ah midka keliya ay gacanta kaga hayso garoommada Soomaaliya.

Add New Comment