Culimada Ahlu Sunnah wal Jamaaca oo beeniyey in laga qasaday Dhuusamareeb


Afhayeenka Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Abuu Yuusuf Al-Qaadi) oo warbaahinta la warramayey ayaa goor dhoweyd beeniyey wararka sheegaya in Al Shabaab ay dagaal ku qabsadeen degmada Dhuusamareeb.

Abuu Yuusuf Al-Qaadi ayaa ayaa been sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in Ahlu Sunnah laga qabsaday degmada Dhuusamareeb, dagaalkii saaka halkaasi ka dhacayna ku tilmaamay mid ay soo qaadeen Al Shabaab, asagoona intaa ku daray inay xoogaggii Al Shabaab ee magaalada soo weeraray ay u geysteen jab aysan kasoo kabsan karin, maanta gelinka dambena ay soo afjari doonaan dagaalka.

"Khawaarijta duulaan bey isu soo baheysteen, jab ayaana ka raacay, Meydadkoodii ayaa magaalada daadsan"ayuu yiri Abuu Yuusuf oo sheegay in dagaalku wali socdo.

Marka laga yimaado sheegashada afhayeenka Ahlu Sunnah ayey warar isa soo taraya waxa ay sheegayaan in Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Dhuusamareeb, xoogaggooduna ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada oo ay haatan ayagu gacanta ku hayaan.


Add New Comment