Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo la sheegayo inay qabsadeen Dhuusamareeb


Waxa isa soo taraya warar sheegaya in xoogagga Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Dhuusamareeb, kaddib markii ay saakay aroornimadii dagaal ku qaadeen xoogagga Culimaa'uddiinka Ahlu Sunnah Waljamaaca ee ayagu horey ugu sugnaa degmadaasi.

Al Shabaab ayaa magaalada Dhuusamareeb si kedis ah dagaal uga soo qaado labo jiho oo kala duwan taasoo keentay in ay argagaxaaan dadweynihii ku noolaa degmadaasi o ay lama filaan ku noqotay rasaasta mar qura dushooda ka qaraxday.

Saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunnah wal Jamaaca ayaa hadda dhaqdhaqaaq ciidan ka wada degmooyinka kale ee gobolka Galgaduud, sida Cadaado, Caabudwaaq, Guriceel, Xeraale iyo goobo kale oo fara badan sheegayna inay Dhuusamareeb ka sifeyn doonaan Al Shabaab, ayna sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen qawaarijta soo duushay.

Sidoo kale ayaa waxaa laga cabsi qabaa in dagaalladani ay ku sii fidaan degmooyin kale oo gobolka ka tirsan, waxaana hadda muuqanayaa diyaargarow ay sameynayaan xoogagga Ahlu Sunnah ee ku sugan degmada Guriceel, kuwaasoo durba aagag ka galay dhammaanba jidadka soo gala degmada.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqaneysa in gobolka Galguduud oo beryihii ugu dambeeyey degannaa uu haatan sii galayo marxalad dagaal oo keeni karta inay ku naf waayaan dadweyne fara badan, sidoo kalena ay ku barakacaan dad rayid ah oo aan haba yaraatee waxba galabsan.

Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayaa u muuqda inay doonayaan inay awood ku maquuniyeen dhammaanba xoogagga kasoo horjeeda ee dagaalka kula jira, kuwaasoo ay ka mid tahay Dowladda KMG ee Soomaaliya oo gacan ka hesha ciidamada Midowga Afrika (AMISOM).

Add New Comment