Dowladda Yemen oo sheegtay taageereyso Dowladda KMG ee Soomaaliya


Dowladda Yemen ayaa si buuxda u caddeysay taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda KMG ee Soomaaliya kaddib markii maalinnimadii shalay ay Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin sheegeen inay ciidamo u diri doonaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama gudaha waddanka Yemen.

War ay soo saartay dowladda Yemen ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalladii shalay kasoo yeeray Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee ay ku sheegeen inay u gurmanayaan kooxaha ka soo horjeeda ee dagaalka hubeysan kula jira dowladda dalka Yemen ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax.

Hadalkaa kasoo yeeray Xarakada Al Shabaab dartiis ayey dowladda Yemenna dhankeeda sheegtay inay taageero hiil iyo hooba leh isla garab taagi doonto Dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Maalinnimadii shalay ayey ahayd markii uu Sheekh Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) si cad warbaahinta Soomaaliya uga sheegay inay dagaalyahanno u diri doonaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya gudaha dalka Yemen, asagoona ku gooddiyey in dhibaatada ka taagan Yemen ay ku baahi doonto adduunka oo dhan.

Mandiqadda Geeska Afrika iyo koonfurta Jasiiradda Carbeed ayaa waxaa waqtiyadan dambe ka taagan dagaallo sida la sheegay uu ku lug leeyahay Ururka Al-Qaacida, kaddib markii uu ururkaasi culeys weyn kala soo kulmay dagaalladii ka socday waddamada Ciraaq, Pakistaan iyo Afghanistaan, sidoo kalena ay waqooyiga waddanka Yemen ka socdaan dagaallo ku sii baahay xuduudaha koonfureed ee waddan Boqortooyada Sacuudiga.

Add New Comment