Hogaamiyaasha wadamada Carabta oo maanta kulan uga furmay magaalada Sharma-sheikh ee dalka Masar



Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo maanta ka furmay Magaalada Sharma-Sheykh ee dalka Masar  kaas oo  looga hadlaayo arrimaha Dhaqaalahaiyo bulshada wadamada ku bahooway ururkaasi

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada KMG ah Shariif  Sheekh Axmad waxaa ka mid ah wasiirada arimaha dibada , Maaliyada iyo wasiiro kale waxaana la filayaa in kulanka uu madaxweyne shariif ka jeediyo qudbad ujeedo badan hambaarsan oo xasaasi ah.

Madaxweyne Shariif waxa uu si gooni gooni ah  Madaxweynayaasha wadamada Carabta ee kasoo qaybglay shirkaasi kala hadli doonaa xaalada Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa balan qaadkii dowladaha carabta ee ahaa in dowlada KMG ah ee ka dhisan Soomaaliya loo siin lahaa  bil walba  10 Milan oo dolar si ay ugu bixiso mushaaraadka Ciidamada iyo adeegyada kale ee muhimka ah bulshada Soomaaliyeed.


Kulanka maanta ka furmay Sharma-Sheykh ee dalka Masar in kastoo ay jiraan arrimo kale oo xasasi ah sida arrinta dalalka Tuunisiya iyo Libnaan, haddana waxaa laga filayaa  madaxda Carabta in ay ka soo baxaan go’aanno wax tar u leh Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo haatan dadaal ugu jirta sidii ay u badbaadin lahayd ummadda Soomaaliyeed ee colaadda iyo abaaraha isu biirsaday.

Add New Comment