Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay shirkado shisheeye ku wareejisay dalka



Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere), oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho gallinkii dambe ee shalay, ayaa ku eedeeyay dowladda KMG inay qaybaha yar ee ay kaga sugan tahay Muqdisho ku wareejisay shirkado shisheeye oo calooshood u shaqeystayaal ah.

“Waxay, Soomaaliya oo dhan kaga sugan yihiin hal kilo-mitir, waxayna ku wareejiyeen toban shirkadood, kuwaasoo loogu talogalay inay ciqaabaan dadka ay sunnada ka muuqato ee doonaya inay caqiidadooda sida saxda ay ugu dhaqmaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in deegaannada ay dowladdu ka taliso ay ka carareen dadkii            ay ka muuqatay sunnada iyo macallimiintii dugsiyada Qur’aanka, taasoo uu u sababeeyay shirkadaha uu sheegay in lagu wareejiyay deegaannada ay dowladdu ka taliso.

“Shirkadahan calooshood u shaqeystayaasha ah, waxaa lagu wareejiyay garoonka, dekedda, KM-4 iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso, taasina waxay caddeyn u tahay inay doonayaan in dalka oo dhan ku wareejiyaan shirkado shisheeye, si ay uga hortagaan ku dhaqanka sharciga Islaamka,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

“Heshiisyada lala galay shirkadahan, Shariif waa inkiray, Farmaajo waa inkiray, Sharma’arke waa inkiray, Shariifka kalena waa inkiray, marka dalka waxaa haysta shirkadaha shisheeye ee iyagu waxba kama ahan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Dhanka kale, afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu ka hadlay codsiyada ay dowladdu kaga dalbatay caalamka in laga taageero dagaalka ay Xarrakada kula jirto, isagoo sheegay in inta aysan soo qaadin weerarro, ay ka saari doonaan goobaha ay kaga sugan tahay Muqdisho.

“Shirkii ka dhacay xarunta Qarammada Midoobay, waxaa lagu codsaday taageero ciidan, waana mid lagu doonayo in lagula dagaalamo diinta Islaamka iyo dadka rumeysan, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay ka qaybqaataan sidii looga hortegi lahaa qorshayaasha gurracan,” ayuu yiri Sheekh Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu gabagabadii shirkiisa jaraa’id kaga hadlay abaaraha ka taagan dalka isagoo sheegay in Xarrakadu ay kaalmooyin isugu jira raashin iyo biyo ay siiso dadka ay abaaruhu waxyaallada u geysteen, ayna wadaan qorshayaal ay biyo ku gelinayaan goobaha oomanaha ah ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Add New Comment