Wasiirka Socdaalka Kenya, Otieno Kajwang, ayaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay Qaxooti isku dhiibaan ama ay waddankooda ku noqdaan

Kenya waxaa ku sugan siyaasiyiin fara badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood ay hawlo siyaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda ay ku jiraan sida Ismaaciill Buubbaa oo hore u noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee TFG iyo weliba Ra’iisal Wasaare xigeen qaar kalena ay yihiin dad ka soo cararay colaadda Soomaaliya.
Waxaa kale oo ku sugan Kenya, dhammaanba hey’adaha caalamaiga ah ee Soomaaliya qaabbilsan wakiilladooda
Waxaa intaa dheer xafiisyada Qarammada Midoobay ee qaabbilsan Soomaaliya iyo Safaaradaha dalalka shisheeye ee dusha kala socda Soomaaliya

Wasiirka Socdaalka Kenya, Otieno Kajwang, ayaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee lagu qabqabtay Kenya, ugu baaqay in ay ammaanka dalkooda si weyn uga fekeraan, waxna ay ka qabtaan.Ma ahan ayuu yiri in ay Kenya iska joogaan oo ay weliba ka shaqeeyaan shirqool loo maleegayo dowladda Soomaaliya.

Add New Comment