Mudane ka tirsanaa Xildhibaanada Imbegathi oo maanta xilkii Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliyeed iska casilay



Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye oo ka tirsana Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay Xubinimadii Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya isagoo sheegay in
 uusan sii wadi karin xilkaasi
 
Xildhibaankan waxa uu sheegay in sababta uu uga tegay xilkaasi ay tahay in markii uu arkay dambiyo  laga galayay mas’uuliyadda loo hayo shacabka Soomaaliyeed uu go’aansaday in uu iska casilo xilkiisa xildhibaannimo, wuxuuna Carabka ku dhuftay in uu udul qaadanwaayay Dhibaatada lagu hayo Shacabka oo ay Xildhibaanadu iska eganayaan dilka iyo dandarida lagu hayo shacabka Soomaaliyeed..


Xildhibaan Jeylani Cali Kadiye wuxuu horey isugu soo sharaxay qabashada xilka Madaxtinimada ee dowladda KMG intii uu socday shirkii Imbegathi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay inuusan tan iyo markii xilka loo magacaabay uusan ka qaybgelin fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya, oo ka kooban 550-xubnood, ayaa waxaa horay isaga casilay dhowr mudane, kuwaasoo qaarkood eedeyn u jeediyay xukuumadda kmg ah Soomaaliya, halka kuwo kalena ay sheegeen inay  howlahoodii gaarka ahayd ay dhaafsiin waayeen.

Haddaba iscasiladda mudane Xildhibaan Jeylaani ayaa imaanaysa iyadoo guddoonka sare ee Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya uu ugu baaqay xildhibaannada dalka ku sugan iyo kuwa dibadda ku maqan ay ugu dambeyn shirarka Baarlamaanka kasoo qaybgalaan ugu dambeyn 22-ka bishan janaayo 2011, mudanihii dhegaha ka fureystana laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharci ah.

Add New Comment