Farmaajo : waan la hadlayaa mas'uuliyiinta Puntland


Ra'iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa maanta markii ugu horeysay jawaab ka bixiyey hadalkii dhowaanta ka soo yeeray Ismaamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo lagu sheegay in Puntland xiiirka u jartay Dowladda Soomaaliya.

Ra'iisul-wasaare Farmaajo oo asagoo ku sugan dalka Mareykanka ay wareysi la yeelatay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa nasiibdarro ku sheegay hadalka ka soo yeeray mas'uuliyiinta Maamul-goboleedka Puntland kaasoo uu ku sheegay inuu fursad siinayo xoogagga dowladda kasoo horjeeda, hase ahaatee ra'iisul-wasaaruhu waxaa uu ammaan u jeediyey shacabka reer Puntland oo uu ku sheegay inay yihiin dad ay waddaniyaddu ku weyn tahay.

Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa waxa kale oo uu uga digay maamulka Puntland in haddii Al-Shabaab kusoo guuleysato inay la wada waregaan koonfurta dalka Soomaaliya ay markaasi fursad u heli doonaan inay dagaal ku qaadaan maamulka Puntland.

Mr. Farmaajo waxa kale oo uu ku celceliyey in hadalka kasoo yeeray Puntland uusan weli asagu dhegihiisa ku maqlin, uunamashquul ku ahaa arrimo kale oo la xiriira cilaaqaadka dowladda KMG iyo beesha caalamka, taasoo uu hadda ra'iisul-wasaaruhu u joogo dalka Mareykanka.

Dhanka kale ra'iisul-wasaaruhu waxa uu sheegay in dowladda KMG ay tahay mid u dhexeysa dalka oo dhan ee aysan ka shaqeynin danaha dad iyo degaano gaar ah, taasoo micnaheedu yahay in maamulka Puntland uu mar kasta isku dayo inuu helo saami dheeraad ah oo uga yimaada dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa sidoo kale wareysigaasi ku sheegay inaysan qaab mutaxadir ah ahayn in idaacadaha maxaliga ah laysu mariyo dhaliilaha loona baahan yahay in si ay ku jirto mas'uuliyad laysugu gudbiyo wixii kala shaki ah ee jira, wadahadalna wax kasta lau dhameeyo, wuxuuna intaasi raaciyey inuu la hadli doono mas'uuliyiinta Puntlad.


Add New Comment