Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti kaga qeybgalay xaflad tababar loogu furayay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)



 Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaga qaybgalay dalka Jabuuti xaflad tababar loogu furayay 500-askari oo ka tirsan ciidanka booliiska dowladda Soomaaliya.

Xafladdan, oo ka dhacday dugisga tababarka booliiska ee Jabuuti, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, madaxweyanaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ra’iisul wasaarihiisa Dileyti Maxamed Dileyti, ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga iyo xubno kale oo ka socday beesha caalamka.

“Dowladda Soomaaliya, waxay u baahan tahay in gacan laga siiyo tababarka ciidanka, si ay ugu guuleysato soo celinta amamanka, runtiina waan ku faraxsanahay in ciidammada ka tirsan booliiska Soomaaliya tababar looga furo dalka Jabuuti,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.


Madaxweyne Shariif, wuxuu si aad ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ammaanka, isagoo sheegay in dowladda ay u qosheysan tahay inay dib u dhis ku sameyso ciidammada, si ay suurogal u noqoto inay dib u hanato ammaanka guud ee dalka.

Ciidammada tababarka loo furay, ayaa waxay isugu jireen rag iyo dumar, iyadoo madaxweyne Shariif uu aad ugu ammaanay ciidanka booliiska inay soo celin karaan ammaanka, wuxuuna kula  dardaarmay inay dhexda xirtaan inta ay tababarka ku jiraan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, oo isna ka hadlay xafladda, ayaa ugu baaqay ciidammadii loo furay tababarka inay gacan ka geystaan soo celinta ammaanka Soomaaliya, wuxuuna xusay inay ka go’an tahay dalkiisa inuu tababarro u qabto ciidammada DKMG ah.

Danjire Mahiga, oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay, in dhaqaalaha lagu tababarayo laguna qalabayenayo ciidammadan ay bixisay dowladda Jabbaan, ayna u rajeynayaan ciidanka inay ku guuleystaan tababarka loo furay, isagoo intaas ku daray in caalamku uu isha ku hayo Soomaaliya.




Add New Comment