Puntland oo ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Dowladda KMG ee Federaalka Soomaaliya



Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Daa'uud Maxamed Cumar ayaa shaaca ka qaaday  Maamulka Puntland  kulanka golaha wasiiradda ay ku yeesheen magaalada Garoowe inay go'aansadeen in xiriirka ay u jareen Dowladda KMG ee Federaalka Soomaaliya  



Wasiirka qorshaynta xiriirka caalamiga, waxa uu warsaxaafadeedka ku sheegay in Beesha Caalamka ay u soo jeedinayaan inaysan u aqoonsan DFKMG ah mid wakiil ka ah maamul goboleedka Puntland, isagoo ka codsaday xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) inay dib uga fiirsato mowqifkeeda iyo taageerada ay siiso dowladda KMG ah ee Soomaaliya.



Wasiirka ayaa sidoo kale uga digay Dowladda KMG inay waqtigeeda sii dheereysato, isagoo cadeeyay in Dowladda waqti yar u harsan yahay, waxaana uu xusay in Puntland diyaar u tahay inay qabato shir nabadeed oo Soomaalida xalkeeda lagu raadinayo.


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Carada ku aadan go'aanka Puntland ku gaartay inay xiriirka u jarto Dowladda Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Faroole uu ka soo laabtay Garoonka Diyaaradaha, xilli uu damacsanaa in shir ka dhici lahaa Jabuuti uu ka qeyb galo, kaasoo sida la sheegay aanu lagu casuumin, balse sharci ahaan uu shirkaas oo ay soo qaban qaabisay UNPOS uu Dowladda Soomaaliya u matalayo Madaxweyne Shariif oo maanta gaaray Jabuuti.

Haddii go'aankan ka soo baxay Maamulka Goboleedka Puntland loo waayo xal degdeg ,  waxay keenaysaa  Puntland inay noqoto dowlad gooni u istaagto taasoo sii horseedeysa kala qoqobka Ummadda Soomaaliya. 

Add New Comment