Madaxweyne Shariif oo shalay saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya. kullan kula yeeshay xarunta Madaxtooyada


Kulan looga wada hadlaayay ammaanka ayaa Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya   Shariif  Sheikh Axmed uu la yeeshay  Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Golayaasha Wasiirada Xukuumada KMG ee Soomaaliya .

Madaxweynaha Saraakiisha iyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya waxay ka wada hadleen sida ugu haboon Ciidamada Qalabka sida guulo uga keeni karaan dagaalo u qorsheysan dowladda KMG ee Soomaaliya Caasimada Magaalada Muqdisho kula gasho Xarakada Alshabaab.

Sidoo kale Sheikh shariif Sheikh Axmed, Golaha Wasiirada xukuumada KMG iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida waxay isla meel dhigeen suuragalnimada dib u soo celinta Degmooyinka ka maqan dowladda KMG ee soomaaliya, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo ka mid ah dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

Dhanka kale warar hoose oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiil iyo Janan ka tirsan ciidamda dowladda KMG Soomaaaliya oo maalmo ka hor soo gaaray Soomaliiya ayaa shalay galinkii danbe waxaa ay kulan saacado qaatay ay la yeesheen Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahana wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Mas’uulyiin kale oo ka mid ah dowlada KMG Soomaaliya.

Hadaba,  ma ahan markii ugu horaysay Madaxweyne Sheikh Shariif kullan amaanka iyo dib u soo celinta Degmooyinka Muqdisho u la yeesho Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida dowladda KMG ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Galaha Wasiirada Xukuumada ra’iisul Wasaare Farmaajo, balse lama saadaalin karo in  is badal uu keeni karo kullankaasi xaaladda ka jirta  dalka Soomaaliyab awgeed.

Add New Comment