Jaamcadda Carabta oo mar kale sheegtay inay taageerayaan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya


samirHosni.jpgMas'uulka Jaamacadda Carabta u qaabilsan xiriirka Carabta iyo Afrika danjire Samiir Xusni ayaa sheegay in Ururka Jaamacadda Carab iyo Midowga Afrika iska kaashan doonaan sidii kordhin lahaa taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee la siiyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu danjire Samiir Xusni mar kale ku celiyey in la taageero Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay awood ugu yeelato hanashada ammaanka iyo kala dambeyn ka dhalata gayiga Soomaaliya, asagoo kooxaha dowladda kasoo horjeedana ku boorriyey inay joojiyaan dagaallada oo ay wixii ay doonayaan ku raadiyaan wadahadal.


Baaqaan kasoo yeeray Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya ay diyaarinayaan taageero loo fidiyo Dowladda KMG iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo lasoo kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.



Add New Comment