Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigii uu horkacayey oo dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii la socday ee beryahan booqashada rasmiga ah ku joogay waddanka waddanka Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxa ay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya kulamo kula soo yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Franco Frattini, wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mrs. Baroness Glenys Kinnock, diplomasiyiin ka kala tirsan safaaradaha Mareykanka, Yurub iyo dalal Carbeed iyo xildhibaannada Barlamaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Nairobi.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo dhammaan mas'uuliyiintii uu la kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka ay Soomaaliya la leedahay waddamadooda, xaaladaha ammaan ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sidii laysaga kaashan lahaa wax ka qabashadooda.

Madaxweynaha ayaa intuu uu ku sugnaa magaalada Nairobi waxa uu kulamo la yeeshay xildhibaannada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi, asagoona kala hadlay qilaafka soo kala dhexgalay xildhibaannada ee ku saabsan sharci ahaanta guddoonka sare ee barlamaanka iyo arrimo kale oo khuseeya dalka.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay booqashadiisani ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa si nabad ah uga soo degay garoonka diyaarada ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayadoo ay halkaasi kusoo dhoweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaana si nabadgelyo ah loogu soo galbiyey xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia).

journey.jpg

Add New Comment