Safiirka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo codsaday in la taageero DKMG ee Soomaaliya


Safiirka Jaamacadda Dowladaha Carbeed u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Axmed Cabdalla Idriis ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in kaalmo dhinaca mileteriga ah iyo mid dhaqaalaba loo fidiyo Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Mudane Axmed Cabdalla Idriis ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ay ku soo jirtay degganaansho la'aan 20-kii sano ee ugu dambeysay, asagoona intaa ku daray in waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabtu ay aad ula socdaan waxa ka jira Soomaaliya.

Safiirka ayaa ku baaqay in kaalmo dag dag ah ay la gaaran wadamada deeqaha baxsha isla markaana tageero militari iyo mid amni ahba la siiyo dowladda KMG sidoo aklana ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka iyo dib usoo noo leeynta adeegyadii bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Kulankii labaad ee barlamanka dowladaha Carbeed oo ay ku yeesheen magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa laga soo saaray go’aano aad u waa wayn oo ay ka mid tahay in la taageero dowladda Somaaliya looguna deeqo lacag gaaaraysa 10-Milyan oo loogu balanqaaday dowladda Soomaaliya shirkii ka dhacay magaalada Sirta ee dalka Libiya.



Add New Comment