Sheekh Aadan Madoobe oo muddada u kordhiyey xildhibaannada dalka dibaddiisa ku maqan


Guddoomiyaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta mar uu magaalada Muqdisho shir-jaraa'id ku qabtay sheegay in ay dhammaatay muddadii loo qabtay xildhibaannada barlamaanka ee dalka ka maqan, hase ahaatee waqtigii hore waqti kale loogu daray.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale caddeeyey inay la socdaan in xildhibaanadu ay waqtigaan heysato dhibaato dhaqaale, hase ahaatee ay gacan ka geysan doonaan sidii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen, asagoo isla mar ahaantaan xildhibaannada ku boorriyey inay xil gaar ah iska saaraan sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen magaalada Muqdiso, si ay uga qayb qaataan kalfadhiyada barlamaanka.

Golaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyey hareeyey khilaaf ku saabsan sharci ahaanshiyaha guddoonka barlamaanka oo ay xildhibaannada qaarkood ku andacoodeen inuu waqtigoodi dhammaaday iyo sidoo kale cabashooyin ay xildhibaannadu ka muujiyeen mushaar la'aanta ku dhacday 5-tii bilood ee ugu dambeysay.



Add New Comment