Munaasabadan xariga looga jarayay xaruntan cusub ee waaxda socdaalka iyo
jinsiyadaha Soomaliya oo Maanta lagu qabtay garoonka diyaaaradaha Aadan
Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho ayaa Waxaa ka qeybgalay wasiirka arimaha
gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed taliyaha Hogaanka Socdaalka
iyo jinsiyadaha Gen.C/laahi Gaafoow Maxamuud danjiraha dowlada Japan ugu Qeybsan
Soomaaliya iyo mas,uuliyiin kale.
Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen.C/laahi Gaafoow oo
ugu horeyn goobta Kahadlay ayaa sheegay in hay’adda IMO ay hirgelisay xaruntan
islamarkaana ay gacan ka geysatay Dowlada Japan waxa uuna xusay iney qeyb weyn
ka qaadan doonto howlaha garoonka iyo dadka Imaanaya iyo sidoo kale kuwa ka
duulaya.
Danjiraha dowlada Japan u qaabilsan Soomaaliya oo isna goobta kahadalay ayaa
tilmaamay in howshan Ay mudo ka shaqeynayeen islamarkaan ay dowlada Japan diyaar
utahay sidii loo horumarinlahaa Hay’adaha dowlada ee mudada kabadan 22 sano ku
burburay dagaaladii wadanka kasocday.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo
xariga kajaray Xaruntan cusub ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan kasiisay
waaxda socdaalka howshan iyo Maamulka waaxda socdaalka Soomaaliyaba isagoo intaa
ku daray in waaxda socdaalku muhiimad gaar Ah uleedahay dalka maadama loo
bahaanyahay in la hubiyo dadka soo galaya dalka iyo kuwa ka sii Duulaya maadama
xiligan uu isbedel weyn ka dhacay dalkeena oo ay kordheen dadka kusoo
qulqulaya.
Ugu danbeyntii wasiirka ayaa kusoo wareegay qeybaha ay kakoobantahay xaruntan
maanta xariga laga Jaray oo wax weyn ka bedeli doonta howlaha garoonka
diyaaradaha maagalada mqudisho.
Horumaro waaweyn oo dhinac walba leh ayey gaartay sanadihii ugu danabeeyay
magaalada Muqdisho Iyadoo dowlada Soomaaliyana ay dhexda u xiratay sidii ay
wadanka ugu soo celin laheyd heybadii uu lahaa intii aanan burburin kahor.
