Wasaaradda Howlaha guud, Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya
ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto dib u dhiska goobihii Waxbarashada ee ku
burburay dagaaladii dalka ka dhacay, iyadoo bulshada ka dalbatay in gacan lagu
siiyo howlahaasi dib u dhiska dalka.
Wasiirka wasaaradaasi Muxudin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in Wasaarada ay
ka go’antahay dib u dhiska xarumihii dowladda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo
intaa ku daray howlahaasi ay goor dhow Wasaaraddu bilaabidoonto.
Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in kulankii golaha wasiirada looga hadlay
Sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii waxbarashada ee lacag la’aanta ahaa
sidaasi darteedna ay wasaaraddu bilaabi doonto dib u dhiska dugsiyadii
waxbarashada ee ku burburay dagaalada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay
wasaaraddu si hufan u gudandoonto howlaha ay bulshada u heyso.
Wasaaradda howlaha guud, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa wadda dadaallo ay
dib ugu dayactireyso goobihii loogu adeegi jiray bulshada sida, dugsiyadii
waxbarashada waddooyinka xarumaha kale ee dowladda iyo kaabayaasha
dhaqaalaha.