Faahfaahin ku saabsan dagaaladii xalay ka dhacay Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho



Sarkaal u hadlay Al Shabaab Al Mujaahidiin ayaa sheegay inay qasaare culus u geysteen AMISOM  xalay mar ay ciidamadooodu ay  weeraro qorsheysan ku qaadeen saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku leeyihiin  Degmada Boondheere .


Xalay fiidkii ilaa saqdii dhexe ayaa  waqooyiga Muqdisho waxaa laga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo Madaaficda , mkadib markii u halkaasi dagaal culus uu  ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo kasoo horjeedaan ciidamada Al-Shabaab.

Sarkaalka waxa uu sheegay inay dileen askar badan oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM kuwa badanna ay dhaawacyo kala geddisan ay gaarsiiyeen, kuwaasoo isla xalay loo daadgureeyey Cisbitaalada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho .


Sidoo kale waxaa lasoo sheegay laba Ruux oo rayid ah  in ay ku dhinteen dagaaladii xalay ka dhacay degmada Boondheere , sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa shan ruux.

Ciidamada Al Shabaab waxay joogta ka dhigatay in habeen waliba ay dagaal kusoo qaadaan saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin waqooyiya Muqdisho, taasoo  keentay in Madaafiic ay ku hoobtaan deegaanadaasi kuwaasoo qasaara soop gaarsiiya dad yar ee weli ku harsan deegaanadaasi.

Add New Comment