Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta dhiggiisa dalka Kenya kula kulmay magaalada Nairobi



SomKenBB.jpgMadaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalintii labaad ku jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo waddanka Kenya ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha waddanka Kenya Mwai Kibaki.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda KMG Soomaali Cali Jaamac Jengeli oo kulanka labada madaxweyne kaddib saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulanka labada madaxweyne lagu soo qaaday xiriirka labada waddan iyo xaaladaha ka jira gobolka Geeska Afrika, guud ahaanna laysku afgartay qodobbadii laga wada hadlay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Sheekh Shariif uu inta uu joogo magaalada Nairobi kula kulmi doono xubno ka kala socda waddamada deeq bixiyeyaasha ee beesha caalamka oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Talyaaniga franco Frattini iyo wasiiru-dowlaha dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika.


Add New Comment