Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya
ayaa magaalada Rome kulammo kula qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda WFP,
ayadoo dhanka kalena ay wasaaraddu gudi u saartay badbaadinta hantida
Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Maraakiibka.
Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga
caalamiga ah ayaa sheegtay in hey’adda WFP ay kala hadashay sidii ay dowladda
gacan uga siin lahaayeen dib u dejinta qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya,
waxeyna ka dalbatay hey’adda WFP in ay bedesho habkii hore oo ay raashinka ka
iibsadaan gudaha dalka si dadka dhaqaalahoodu u kordho.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ayaa hoosta ka xariiqday in ay qaadday
talaabo lagu badbaadinayo Maraakiibta Soomaaliya ee ku dayacan Waddanka Yemen,
waxeyna intaa raacisay in ay la xiriirtay Shirkadii Talyaaniga aheyd ee berigii
hore ku shaqeyn jirtay isla markaana ay iyagu u dirayaan farsamayaqaano soo
badbaadiya Maraakiibtaasi oo ka kooban Afar.