Dagaal xoogan oo caawa ka qarxay Degmada Boondheere




Wararka caawa ka imaanaya  degmada boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo xoogan oo hubka nuucyadiisa waaweyn sida madaafiicda laysu adeegsaday, waxaana  halkaasi ku dagaalamaya ciidamada dowlada , AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa al shabaab Al Mujaahidiin .

Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda waaweyn(pm) waxaana lagu waramayaa in dagaalka uu yahay mid aad u culus , kaasoo huganka madaafiicda laga maqlayo magaalada Muqdisho inteeda badan.


Dagaalka caawa ka socda degmada boondheere ayaa qarxay  markii xarakada Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM  ay ku leeyihiin degmada Boondheere,  ilaa iyo hadderna lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi; wixii warar ah ee soo kordha  dib ayaan idiinla soo socodsiin doonaa insha Allaah.

Add New Comment