Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u safray dalka Kenya

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, kaddib markii uu casumaad ka helay madaxweynaha waddanka Kenya Mwai Kibaki.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde kusii sagootiyey mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiisha sar sare ee ciidamada Xoogga Dalka iyo Boliiska Soomaaliyeed.

Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa ka mid ah wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Jaamac Jengeli, wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele, wasiirka Beeraha Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa waddanka Kenya ayaa waxa la sheegayaa inuu dalkaasi kula kulmi doono wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Talyaaniga Franco Frattini, wasiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo xubno kale oo ka tirsan beesha caalamka.

Booqashada Madaxweynaha Dowladda KMG ee waddanka Kenya ayaa ah tii ugu horreysay ee uu madaxweynuhu dibedda ugu kaco muddo laba bilood ah, waxayna ku soo aadeysaa waqti ay dagaallo ba'an ka socdaan gobollada dhexe ee Soomaaliya (Galgaduud iyo Hiiraan) iyo magaalada Muqdisho oo ay rabsahaduhu joogto ka noqdeen 19-kii sano ee u dambeysay.
 

Add New Comment